Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyga Ee Maanta Oo Salaasa Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Dabcan waxaan wali si rasmi ah u furmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga waxaana lagu jiraa bishii July balse kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ayaa ah kuwo u tafo-xaydanaya suuqa iyagoo sii dajinaya qorshayaasha ay ku galayaan.

Inuu kubaddii cagta hakiyay fayraska Korona walow horyaalada qaar dib loo bilaabay ayaa dhalisay in kooxaha kala duwan gaar ahaan raga suuqa u qaabilsani ay helaan wakhti badan oo ay suuqa kaga faaloodaan.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyga ee ay maanta oo Salaasa ah qoreen Wargeysyada waaweyn ee Yurub:

Tababaraha Chelsea ee  Frank Lampard ayaa bartilmaameedsanaya 21 jirka khadka dhexe uga ciyaara West Ham iyo England ee Declan Rice, waxaanu isticmaali doonaa difaac dhexe. (Times)

Manchester United iyo Manchester City ayaa ku dagaallamaya difaaca kooxda Napoli iyo Senegal ee Kalidou Koulibaly oo 29 jir ah iyo Milan Skriniar oo ah 25 jir u ciyaara Inter Milan oo u dhashay Slovakia (Independent)

Chelsea iyo Real Madrid waxay labadooduba dedaal ay ugu jiraan sidii ay ugu kala horreyn lahaayeen saxeexa khadka dhexe ee Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic, laakiin waxa  ku haysta Manchester United iyo Paris St-Germain. (Gazzetta dello Sport)

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer waxa uu si cad ugu sheegay difaaca Bourrnemouth ee Nathan Ake “waxaanu u bahaanahay difaac dhexe oo bidixle ahe, dedaalka sii wad”. Waxa uu ereyadan ku yidhi dhamaadka kulankii ay United 5-2 ku garaacday Cherries ee Old Trafford. (Telegraph)

Ake ayaa ka mid noqday tiro ciyaartooyo uu ku jiro tababare Eddie Howe iyo weeraryahanka reer Norway ee Joshua King, kuwaas oo la sheegay inay ka tegayaan Bournemouth xagaagan. (Mail)

Bayern Munich waxay go’aan ka sugaysaa difaaceeda 28 jirka ah ee David Alaba, si uu ugu caddeeyo haddii uu inuu ogolaanayo inuu saxeexo heshiis cusub maadaama qandaraaskiisu ku egyahay 2021 iyo inuu rabo inuu tago oo uu Premier League hamigiisu yahay. (Mirror)

RB Leipzing ayaa rajaynaysa in difaaceeda 21 jirka ah ee Faransiiska u dhashay ee Dayot Upamecano oo lala xidhiidhinayo Arsenal, inuu saxeexi doono heshiis cusub oo uu waqtiga ugu kordhinayo, xilli uu qandaraaskiisa hore ku egyahay 2021. (Mirror)

Juventus ayaa qorshaynaysa inay xagaagan u dhaqaaqdo kubbad sameeyaha Chelsea iyo xulka Talyaaniga ee Jorginho oo 28 jir ah. (Tuttosport)

Real Madrid qorshaha uguma jirto inay xagaagan u dhaqaaqaan ciyaartooyo cusub oo ay soo iibsadaan, sababtoo ah, waxa saamayn ku yeeshay caabuqa Korona. Taas beddelkeeda waxay rajaynaysaa inay soo xarayso £190 milyan iyadoo iibinayso tiro ciyaartooyo uu ku jiro Gareth Bale oo 30 jir ah. (Marca)

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sabab u ahaa in difaaca reer Morocco ee Achraf Hakimi oo 21 jir ah uu ka tago kooxda reer Spain, kuna biiro Inter Milan, sida uu sheegay wakiilka ciyaartoygu. (Marca)

Difaacii hore ee Chelsea ee John Terry oo hadda tababare ku-xigeen ugu ah Dean Smith kooxda Aston Villa, ayaa ka mid noqday murashaxiinta ku tartamaysa shaqada tababarenimada kooxda Bristol City. (Football Insider).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII