Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyga Ee Maanta Oo Axad Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Dabcan waxaan wali si rasmi ah u furmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga waxaana lagu jiraa bishii July balse kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ayaa ah kuwo u tafo-xaydanaya suuqa iyagoo sii dajinaya qorshayaasha ay ku galayaan.

Inuu kubaddii cagta hakiyay fayraska Korona walow horyaalada qaar dib loo bilaabay ayaa dhalisay in kooxaha kala duwan gaar ahaan raga suuqa u qaabilsani ay helaan wakhti badan oo ay suuqa kaga faaloodaan.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyga ee ay maanta oo Axad ah qoreen Wargeysyada waaweyn ee Yurub:

Borussia Dortmund waxay caddaysay in aanay aqbali doonin wax ka yar £116 milyan oo Gini inay ku fasaxdo laacibka garabka weerarka uga ciyaara ee Jadon Sancho oo ah 20 jir lala xidhiidhinayo Manchester United. (Westdeutsche Allgemeine Zeitung)

Difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly oo 29 jir ah ayaa sheegay inuu waayihiisa xirfadeed ku dhamaysan karayo kooxdiisa hadda ee Napoli, inkasta oo lala xidhiidhinayo kooxaha Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Real Madrid. (La Gazzetta dello Sport)

Barcelona waxay iska joojisay isku-daygii ay ku qoonaysay inay dib ugaga soo ceshato Paris St-Germain, laacibka reer Brazil ee Neymar Jr oo 28 jir ah. (Marca)

Manchester City ayaa wadda qorshe ay heshiis hal sano oo kale ah kaga saxeexayso weeraryahanka reer Argentine ee Sergio Aguero oo 32 jir ah, waxaana haddii ay ku guuleysato ay kusii hayn doontaa  Etihad Stadium illaa sannadka 2022. (Mirror)

Tababaraha Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa. (Mirror)

Chelsea waxay go’aamisay qiimaha ay Manchester United kaga dalbanayso goolhayaha 23 jirka ah ee Dean Hendxerson oo amaah ugu maqan Sheffield United, si uu ugu beddelo Kepa Arrizabalaga oo Lampard uu ka niyad-jabsan yahay. (Express)

Tottenham waxay iska diidi doontaa dalabyada kooxaha Premier League ay xagaagan kaga doonayaan Ryan Sessegnon, iyadoo sidoo kale ay Barcelona xiisayynayso 20 jirkna. (Daily Star)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in difaaca reer Scotland ee Kieran Tierney oo 23 jir ah aanu ka tegi doonin kooxdiisa xagaagan, waxaana laacibkan xiisaynaysa Leicester. (Standard)

Leicester waxay doonaysaa weeraryahanka reer Serbia ee Luka Jovic oo ah 22 jir u ciyaara Real Madrid, waxaanay diyaar ula tahay £31 milyan si uu uga garab ciyaaro Jamie Vardy xili ciyaareedka dambe. (Mail)

AC Milan iyo Chelsea ayaa sidoo kale xiisaynaya Luka Jovic. (Mundo Deportivo)

Juventus iyo Manchester City ayaa Liverpool kula biiray tartanka laacibka khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich iyo xulka qaranka Spain ee Thiago Alcantara oo 29 jir ah. (Tuttomercatoweb)

Chelsea iyo Inter Milan waxay wada xaajood la bilaabeen Lille oo ay ka doonayaan weeraryahanka 22 jirka ah ee Jonathan Ikone. (Le10 Sport)

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa tibaaxay in aanu hubin haddii weeraryahanka reer Colombia ee James Rodriguez oo 28jir ah uu mar dambe u ciyaari doono Los Blancos. (AS)

Barcelona ayaa 20 milyan oo Euro siin doonta Borussia Dortmund haddii ay iibiso 23 jirka afka hore ee reer France ee Ousmane Dembele, sida uu dhigayay heshiiskii ay kusoo iibsatay. (Bild)

Tababaraha cusub ee Real Betis ee Manuel Pellegrini wuxuu rabaa inuu amaah kula soo wareego laacibka khadka dhexe ee Brahim Diaz oo ah 20 jir ka tirsan Real Madrid. Pellegrini ayaa Diaz kyula shaqeeyey Malaga, isla markaana Man City ku qalqaaliyey inay heshiis la gasho markii uu dalkaas tegyaay. (Mundo Deportivo).

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII