Wararkii ugu dambeeyey qaraxa ka dhacay isgoyska Ceelgaabta

Muqdisho (Warkii.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxalaha qarxa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday bar koontarool oo laga galo xarunta madaxtooyada, kuna ku taalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale qaraxa ku burburay gaadiid u badan kuwa raaxada iyo mootooyin nooca bajaajta oo xilligaas marayey isgoyska Ceelgaabta oo ah meesha uu qaraxu ka dhacay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo faah faahin horudhac ah ka bixiyey ayaa xaqiijiyey in qaraxan loo adeegsaday, wuxuuna intaasi ku daray inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan inta uu gaariisanyahay khasaaraha ka dhashay is-miidaamintaasi.

Waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya caasimada, waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho.


Source: warkii.com