Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Jubbaland Iyo Ammaanka Oo Aad Loo Adkeeyay

Magaalada Kismaayo maanta oo ay taariikhdu tahay 22/8/2019 waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimmo ee maamulka Jubbaland waxaana xalay ka dhacay Kismaayo kulamo aan look ala kicin.

Doorashada maanta ka dhaceysa Kismaayo ayaa waxaa ku tartamaya ku dhawaad 4-musharax oo uu ku jiro madaxweynihii maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Xalay ayaa waxaa kulamo siyaasadeed yeeshay musharaxiinta iyo xildhibaanada intooda badane waxa ay ahaayeen kuwo lagu xod-xodanayay mudanayaasha cusub ee baarlamaanka.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay mana jiraan wax gaadiid ah oo soo gelaya gudaha Kismaayo sidoo kalana waxaa la xanibay duulimaadkii diyaaradaha waxaana waddooyinka waaweyn gaaf wareegaya ciidamo wata gaadiid dagaal.

Dhinaca kalana musharaxiinta mucaaradka ku ah siyaasadda Axmed Madoobe ayaa iyana sheegay in ay maanta dooranayaan madaxweyne taas oo keeni karta gacan ka hadal.

Dowladda Somalia iyo Beesha caalamku waxa ay ku cel-celiyeen in aysan aqoonsan Karin natiijada doorashada madaxweynaha Jubbaland oo ay sheegeen in aysan marin habraacyadii doorashooyinka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here