Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir iyo Maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray Xaafad ka tirsan degmadaas.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku haayay muran ku yaalla Xaafada Saban Saban oo ka tirsan Degmada Deyniile,waxaana ka dhashay khasaaro kala soo kala gaaray labada dhinac.

Dad ku sugan Deyniile oo la hadlay Warkii Online ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidanka Booliska iyo Maleeshiyaadka ay isdhaafsadeen rasaas xoogan,wallow markii dambe ay istaagtay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkaas dhaawac uu kasoo gaaray Xoghayaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Mahad Shilaawe,waxaana dhaawaciis la tilmaamay inuu yahay mid fudud.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka ee Deyniile ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan dagaalkii Maanta ka dhacay Xaafada Saban Saban,kaasi oo salka ku haayay muran ku yaalla halkaas.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here