Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gaalkacyo & Xiisad saakay la dareemayo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ciidanka Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa qaaday xalay howlgal lagu dagaallamaayo Waxyaabaha Maanka dooriya iyo sidoo kale Maleeshiyaad ku sugnaa barkontorool oo ku taalla Xaafadda Garsoor.

Is rasaasayn socotay Muddo ku dhow hal saac ayaa ku dhex martay gudaha magaaladaasi ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo malayshiyaad hubaysan.

Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay si buuxda ula wareegaan goobihii ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka iyo sidoo kale Waxyaabihii Maanka dooriyaha ahaa ee ay goobta ku haayeen sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka hadda ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu dib u bilowday mar kale dagaal labadda dhinac ka dhex taagan, islamarkaana Maleeshiyaadkii xalay la weeraray ay saakay ku qaaday weerar Ciidanka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa laga maqlaya daryanka hubka labadda dhinac, waxaana Ciidanka ay sheegeen in ay sii waddi doonaan dagaalka ka dhanka Waxyaabaha Maanka dooriya.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII