Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo Ciidamada maamulka Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhex-maray deegaan duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Dad deegaanka ah ayaa warbahinta u sheegay in dagaalku uu yimid ka ggadaal markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ay ku soo qaadeen deegaanka Cabdalla Biroole oo saldhig milatari oo weyn ay ku leeyihiin ciidamada maamulkaas.

Intaas kadib ayaa waxaa dhacay dagaal qaraar oo faraha la iskaga gubtay waxaana uu socda ku dhawaad 30-daqiiqo sida saraakiil iyo dadka deegaankuba ay sheegeen waxaana ka dhashay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Wararka ugu dambeeya ewe aan halkaas ka helayno ayaa tilmaamay in ay socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Jubbaland hase’ahaate ma jirto cid ay ku soo qabteen,iyada oo ay xusid mudantahay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Alshabaab ay weeraraan deegaanka Cabaddalla Biroole.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here