Wararka Suuqa Maanta: Liverpool oo u dhaqaaqeysa Jarrod Bowen, Ousmane Dembele oo Xiriir ka haley Man United, Sheekada Federico Chiesa iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool ayaa weli u dhaqaaqi karta 24 jirka weerarka uga ciyaara West Ham Jarrod Bowen. Waxaa lala xiriiriyay inay gudbineyso dalab dhan £ 20m. (Liverpool Echo)

Borussia Dortmund ayaa u dhaqaaqi karta 23-jirka garabka uga ciyaara Juventus iyo Talyaaniga Federico Chiesa, haddii kooxda Bundesliga ka dhisan ay lumiso weeraryahanka Norway Erling Braut Haaland, oo 21-jir ah, xagaaga dambe. (Calciomercato)

Xiddiga qadka dhexe ee Real Madrid Marco Asensio oo 25 jir ah ayaa sidoo kale ka mid ah bartilmaameedyada Liverpool . (Fichajes)

Tababaraha reer Portugal Paulo Fonseca ayaa sheegay in talaabadii uu kula wareegi lahaa Tottenham ay burburtay sababtoo ah agaasimaha isboortiga Fabio Paratici ayaa doonayay in Spurs ay ciyaarto kubad difaac ah. (Telegraph)

Tottenham ayaa isku diyaarin karta inay iska iibiso xiddiga qadka dhexe ee reer France Tanguy Ndombele, oo 24 jir ah, si ay ugu beddesho xiddiga ay dhalashada wadaagaan iyo 25 jirka weerarka uga ciyaara Manchester United Anthony Martial. (Express)

Daafaca Chelsea iyo Jarmalka Antonio Rudiger, oo 28 jir ah, kuma deg degi doono inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa, laakiin wuxuu raadinayaa mushaar kordhin weyn haddii uu sii joogo Stamford Bridge. (90min)

Tababaraha Bayern Munich Julian Nagelsmann ayaa sheegay inuusan weli la hadlin agaasimaha isboortiga Hasan Salihamidzic abour Rudiger, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo sannadka dambe. (Eurosport)

Arsenal ayaa qarka u saaran inay lumiso weeraryahanka reer France Alexandre Lacazette marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga, iyadoo Atletico Madrid ay xiiseyneyso 30 jirkaan. (Le10 Sport)

Kooxaha Spain, Germany iyo Italy ayaa xiiseynaya Lacazette, halka kooxaha Premier League ee West Ham iyo Crystal Palace ay u soo bandhigi karaan fursad uu ku sii joogo Premier League. (90min)

Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa Lacazette laakiin waxa ay tartan kala kulmi doontaa kooxda kale ee reer Spain ee Atletico Madrid si ay isugu dayaan saxiixa weeraryahanka. (Fichajes)

Manchester United ayaa xiriir la sameysay Barcelona si ay ugu dhaqaaqdo 24 jirka weerarka uga ciyaara France Ousmane Dembele. (El Nacional – Isbaanish)

Everton ayaa xiiseyneysay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Newcastle United Sean Longstaff, oo 23 jir ah, xagaaga waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo 23 jirkaan bisha Janaayo marka uu galo lixda bilood ee ugu dambeysa qandaraaskiisa. (Liverpool Echo)

Kooxda Juventus ayaa ku dhaw dhamaystirka heshiiska 27 jirka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Argentina ee Paulo Dybala kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono ilaa June 2022. (Goal)

Napoli ayaa doonaysa inay amaahda ay kula jirto Andre-Frank Zambo Anguissa oo 25 jir ah oo Fulham ah u beddesho heshiis joogto ah waxayna weydiin doontaa kooxda reer London haddii ay qaadan karaan ikhtiyaarka 15m ee euro si ay xilli hore u iibsadaan xiddiga reer Cameroon iyagoo rajaynaya qiimo dhimis. khidmadda. (Tuttomercatoweb)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com