Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Paul Pogba oo Noqonaya Xidiga ugu Mushaharka Badan Dunida, Chelsea oo ku biirtay Doonista Coman, Xaalada Franck Kessie, Iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Iyadoo heshiiska Paul Pogba ee Man United uu dhacayo xagaaga dambe, kooxda ayaa doonaysa inay mushahar £400,000 ah u bandhigto toddobaadkii si ay uga dhigto xiddiga ugu mushaharka badan dunida. (Express)

Jesse Lingard iyo Eric Bailly ayaa kamida toddoba xiddig oo ay kooxdu suuqa bisha January iibin karto. (Sun)

Chelsea ayaa Juventus ayaa si fool ka fool ah bisha January ugu loolami doona saxeexa 21 sano jirka khadka dhexe ee kooxda AS Monaco ee Aurelien Tchouameni. (Tuttomercatoweb – in Italian)

Liverpool, Tottenham iyo Juventus ayaa ku loolami doona garabka kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman. (Fichajes – in Spanish)

Chelsea ayaa sidoo kale xiisaynaysa Coman kaddib markii agaasimihii hore ee ciyaaraha ee Bayern Munich uu sheegay in xiddigaas French-ka ahi uu kooxda ka tagi karo. (Mirror)

Barcelona tababaraheeda Ronald Koeman ayaan ogayn waxa mustaqbalkiisu yahay walow ay jiraan warar sheegaya in Joan Laporta uu bedelkiisa raadinayo. (Express)

Tottenham weeraryahankeeda Harry Kane ayay macquul tahay inuu wali dareemayo saamaynta heshiiskii fashilmay ee uu Man United ugu biiri lahaa. (Talksport)

Juventus ayaa AC Milan qaab bilaash ah kagala saxeexanaysay goolhaye Gianluigi Donnarumma xagaagan balse sababo dhaqaale uga baxday heshiiskaas taas oo ka dhalisay in PSG ay la wareegto 22 sano jirkaas. (Goal)

Manchester United ayaa wadahadalo heshiis cusub ah kala hadlaysa Jesse Lingard, sidoo kale Bruno Fernandes iyo Luke Shaw ayaa ku jira liiska xiddigaha kooxda ee heshiiska cusub laga saxeexi karo. (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa dalab 20 Milyan ah u diyaarinaysa garabka weerar ee kooxda Club Brugge ee Noa Lang. (Fichajes via Mirror)

Roy Keane ayaa Jadon Sancho ka difaacay qaabka gaabiska ah ee uu ku bilawday noloshiisa Man United kaddib heshiis 73 Milyan oo pound ah oo uu Borussia Dortmund kaga yimid xagaagii. (Sky Sports, via Star)

AC Milan agaasimaheeda ciyaaraha ee Paolo Maldini ayaa ku rajo weyn in kooxdu ay heshiis kordhin la gaadhi karto 24 sano jirka khadka dhexe ee Franck Kessie oo heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe. (SportsMole)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com