Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Manchester United oo dooneysa Kieran Trippier, Real Madrid oo diyaarineysa Heshiiska Kylian Mbappe, Iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa wali doonaysa saxeexa xiddiga Atletico Madrid ee Kieran Trippier oo 30 sano jir ah waxayna markale saxeexiisa isku dayi doontaa bisha January.(Mundo Deportivo, via Sun)

Real Madrid ayaa diyaarisay toddoba heshiis oo kala duwan oo ay kala hadasho Kylian Mbappe oo ay filayeen inuu kaga soo biiro PSG balse Madrid ayaa wali ku rajo weyn inuu 22 sano jirkaasi kaga soo biiri doono dhinaca Paris xagaaga dambe. (Sport – in Spanish)

Mbappe inuu xagaagan ka bixi waayay PSG ayaa ka dhigan in kooxdiisii carruurnimo ee AS Bondy ay waayayso lacag ka badan 2 Milyan oo euro oo gunno ahaan loo siin lahaa. (L’Equipe – in French)

Eduardo Camavinga ayaa ku qanciyay kooxdiisii Rennes inay u ogolaadaan inuu ku biiro Real Madrid xagaagan walow ay PSG ka gudbisay dalabaad dhaqaale ahaan uga wanaagsan midka Real Madrid isaga iyo kooxdaba. (AS – in Spanish)

PSG ayaan wax dalab ah oo rasmi ah ka gudbin Cristiano Ronaldo walow ay wadahadalo la yeesheen kahor heshiiskii uu Juventus kaga tagay ee ugu laabtay Manchester United. (Le10Sport – in French)

Juventus ayaa doonaysa inay kooxdeeda markale ka hareero dhisto Paulo Dybala kaddib bixitaankii Ronaldo. (Calciomercato – in Italian)

Jesse Lingard ayaa diiday fursad uu qaab rasmi ah ugu biiri lahaa West Ham United oo uu hore amaah ugula soo joogay si uu booskiisa uga dhacsado shaxda Manchester United. (90Min)

Zenit St Petersburg weeraryahankeeda ree Iran ee Sardar Azmoun, ayaa sheegay in Tottenham Roma, Lyon iyo Bayer Leverkusen ay isku dayeen inay la saxeexdaan suuqii xagaagan. (Soccer RU, via football.london)

Inter Milan ayaa kamida kooxaha xiisaynaya Bernd Leno oo la filayo inuu Arsenal qaab bilaash ah kaga tago marka heshiiskiisu dhaco xagaaga dambe. (Tuttosport – in Italian)

Barcelona ayaa isku dayi doonta inay RB Leipzig kala soo saxeexato Dani Olmo oo ay horeba heshiiska shaqsiga ah ula gaadheen. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tiemoue Bakayoko ayaa filanaya inuu sii joogi doono AC Milan kaddib marka uu dhaco heshiiska amaahda ah ee uu markale Chelsea ugaga soo biiray. (Goal)

Daafaca Maraykanka ah ee Cameron Carter-Vickers ayaa diiday inuu maalintii ugu dambaysay suuqa ka tago kooxda Torino oo uu u wareego Tottenham isaga oo ugu dambayn ku biiray Celtic. (Football Insider)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here