Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Heshiiska Kylian Mbappe ee Real Madrid oo Fashilmi Kara, Jesse Lingard oo ka tagaya Manchester United, Xaalka Jules Kounde iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid ayaa u qabatay Paris St-Germain ilaa iyo axada maanta inay aqbasho dalabka ay ka gudbisay weeraryahanka reer France Kylian Mbappe, madaama kooxda reer Spain aysan diyaar u ahayn inay 22 jirkaan u soo bandhigto wax ka badan 190m euros (£ 163m). (Le Parisien)

Weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, oo 36 jir ah, ayaa noqon doona ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Premier League marka uu dhammeystiro ka dhaqaaqistiisa Juventus kuna biiro Manchester United (Telegraph)

Rajadii Chelsea ee ahayd inay Jules Kounde kala soo wareegto Sevilla ayaa hoos u dhacday ka dib markii reer Spain ay kor u qaadeen qiimaha ay ku doonayeen 22 jirkaan 68.5 milyan oo ginni. (Telegraph)

Borussia Dortmund ayaa ku rajo weyn inay Manchester United kala soo wareegto Diogo Dalot oo daafaca dambeedka ka ciyaara haddii kooxda Premier League ay u suurtagasho inay hesho bedelka 22 jirkaan. (Sky Sports)

Si kastaba ha ahaatee, Dalot ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu sii joogo Old Trafford oo uu u dagaallamo booskiisa kooxda Ole Gunnar Solskjaer. (Goal)

Borussia Dortmund ayaa sidoo kale xiiso u qabta saxiixa Chelsea ee Callum Hudson-Odoi qaab amaah ah laakiin tababaraha Blues Thomas Tuchel doonayo inuu sii heestp 20-sano jir ah England ee Stamford Bridge. (Goal)

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay xilli dambe u dhaqaaqdo 30 jirka daafaca midig ee England Kieran Trippier, iyadoo Atletico Madrid la sheegay inay ka dalbaneyso 40 milyan euro (£ 34.3m) ciyaaryahankii hore ee Tottenham. (HITC)

West Ham ayaa qorsheyneysa inay dalab 15 milyan oo ginni ah ka gudbiso Manchester United si ay ula soo saxiixato xiddiga qadka dhexe ee weerarka uga ciyaara England Jesse Lingard, oo 28 jir ah kaasoo laga yaabo inuu diyaar u yahay in la iibiyo ka dib heshiiskii ay kula soo saxiixdeen weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, oo 36 jir ahaa, kana yimid Juventus. (DailyStar )

Weeraryahanka reer Brazil Willian, oo 33 jir ah, ayaa diyaar u ah inuu lumiyo mushahar aad u badan si uu uga tago Arsenal kuna biiro Corinthians. (Dailymail)

Tottenham ayaa sare u qaaday baacsiga ay ugu jirto daafaca midig ee kooxda Barcelona Emerson Royal, oo 22 jir ah, iyadoo iska iibinta daafaca 28 jirka ah ee reer Ivory Coast Serge Aurier kaasi oo ka caawin doonta dadaalkooda saxiixa xiddiga reer Brazil. (Telegraph)

Juventus ayaa ku dhow inay dib ula soo saxiixato weeraryahanka reer Talyaani Moise Kean labo sano oo amaah ah Everton , iyadoo ay waajib ku tahay inay iibsato 21 jirkaan oo Toffees-ka kaga soo biiray Talyaaniga sanadkii 2019. (Sky Sports)

Xiddiga qadka dhexe ee Leicester City Hamza Choudhury, oo 23 jir ah, ayaa doonaya inuu amaah ugu biiro Newcastle United , halka Magpies ay ku dhowdahay inay la soo wareegto weeraryahanka reer Mexico Santiago Munoz, oo 19 jir ah, kana yimid Santos Laguna. (Chroniclelive)

Everton ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto daafaca dambeedka midig ee England Ainsley Maitland-Niles, oo 23 jir ah, kaasoo amaah uga soo qaadaneyso Arsenal (Sky Sports)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Tiemoue Bakayoko, oo 27 jir ah, ayaa gaaray Talyaaniga si uu tijaabada caafimaadka ugu maro ka hor inta uusan AC Milan kaga soo biirin Chelsea oo uu amaah labo sano ah kula jiro ikhtiyaar uu ku iibsan karo. (Football Italia)

Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee reer Argentina Lautaro Martinez, oo 24 jir ah, ayaa aqbalay dalabka qandaraaska ee kooxda. (Gianluca Di Marzio))

Xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United iyo Ivory Coast Amad Diallo, oo 19 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro kooxda reer Holland ee Feyenoord (Dailymail)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here