Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Haaland oo wali laga doonayo Manchester United, Cavani oo go’an ka qaatay Mustaqbalkiisa, Xaalada Aurelien Tchouameni iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa weli dooneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Borussia Dortmund ee reer Norway Erling Braut Haaland, oo 21 jir ah, inkastoo uu soo laabtay xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo oo 36 jir ah (Express)

United ayaa sidoo kale diyaar u ah inay gacanta ku soo dhigto Jude Bellingham oo 18 jir ah ka dib markii uu wacdaro ka dhigay ciyaaryahanka khadka dhexe ee England intii uu ku guda jiray booqashada xarumaha kooxda ka hor inta uusan go’aansan inuu ku biiro Borussia Dortmund (Thesun)

Lionel Messi ayaa ka dhigi doona 25.6 milyan oo ginni labadii xilli ciyaareed ee soo socda Paris St-Germain , iyadoo 34 jirkaan reer Argentina mushaarkiisa ay kor u sii kici doonto 8.5 milyan oo ginni haddii uu sii joogo sannadka saddexaad. (Marca)

Wakiilka Matthijs de Ligt Mino Raiola ayaa sheegay in daafaca dhexe ee Netherlands uu ka tagi karo Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo Chelsea ay xiiseyneyso saxiixa 22 jirkaan. (Express)

Tababaraha West Ham United Kevin Nolan ayaa sheegay inuusan iibin doonin 22 jirka qadka dhexe ee reer England Declan Rice – kaasoo bartilmaameed u ah Manchester United – £ 100m. (Manchester Evening News)

Weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani ma doonayo inuu ka tago Old Trafford inkastoo 34-jirka weerarka uga ciyaara Uruguay uu hadda kula tartamayo Ronaldo booska koowaad. (ESPN)

Chelsea ayaa isku diyaarineysa dalab soo jiidasho leh si ay Stamford Bridge ugu soo jiidato xiddiga qadka dhexe ee Monaco Aurelien Tchouameni iyadoo Juventus ay kusoo biirtay loolanka loogu jiro 21 jirka reer France.(Express)

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay inuusan ka fikirin goolhayaha dooqa koowaad ah xilli ciyaareedkan, waxaana ku loolamaya lambarka koowaad maaliyadda Dean Henderson oo 24 jir ah iyo goolhayaha reer Spain David de Gea oo 30 jir ah. (Mirror)

Tababaraha Wolverhampton Wanderers Bruno Lage ayaa uga digay Manchester United iyo Arsenal inuusan u ogolaan doonin ciyaaryahanka qadka dhexe ee reer Portugal Ruben Neves, oo 24 jir ah, inuu dagaal la’aan baxo. (Express)

Goolhayaha Liverpool Alisson ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu dib ugu biiro kooxda reer Brazil ee Internacional haddii fursad la siiyo mar uun, laakiin 28 jirkaan ayaa “faraxsan” ka dib markii uu dhawaan saxiixay qandaraas lix sano ah oo uu ku joogo Anfield. (Mirror)

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa ka fikiraya inuu ka tago daafaca dambeedka midig ee Spain Sergi Roberto, oo 29 jir ah, kulanka Isniinta ee Granada si uu u difaaco ka dib markii lagu jees jeesay garoonka intii lagu jiray guuldaradii Talaadadii ka soo gaartay Bayern Munich. (Marca)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com