Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Real Madrid oo go’an cusub kasoo saartay Kylian Mbappe, Diogo Dalot oo sii joogaya Manchester United, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Diogo Dalot ayaa qarka u saaran yahay inuu sii joogo Manchester United una dagaalamo booskiisa kooxda koowaad. Goal

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay heshiis cusub oo afar sano ah la gasho daafaca dhexe Andreas Christensen . Sportmole

Mustaqbalka Raheem Sterling ee Manchester City ayaan wali la hubin ilaa laga gaaro dhamaadka suuqa kala iibsiga inkasta oo kooxda ay ku guul darreysatay inay keento weeraryahan kale xagaagan. AS

Real Madrid have reportedly given Paris Saint-Germain an ultimatum on Kylian Mbappe transfer offer, having made a second bid in the region of £154.4m including add-ons. Talksports

Tababaraha Paris Saint-Germain Mauricio Pochettino ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka Kylian Mbappe shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Axadda ee Reims. PSG

Juventus ayaa heshiis la gaartay inay dib ula soo saxiixato weeraryahan Moise Kean oo ka tirsan Everton, Goal

Real Madrid ayaa uga digtay Paris Saint-Germain inay sii heysato heshiiska ku aadan Kylian Mbappe waxayna intaasi ku dartay in guud ahaan ay ka baxeyso. Le Parisien

Eduardo Camavinga ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka, laakiin hadda Rennes ayaa ku dhibtooneysa inay iska iibiso madama uusan jirin dalab rasmi ah oo laga soo gudbiyay. Goal

Juventus ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Eden Hazard si ay ugu bedesho Cristiano Ronaldo, sida laga soo xigtay  Marca ,

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here