Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Pogba oo badaley go’ankiisa Manchester United, Chelsea oo u dhaqaaqeysa Labo Xidig, iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid ayaa haysata lacag ku filan oo ay ku iibsan karto Erling Haaland iyo Kylian Mbappe haddii ay sidaas doortaan, sida uu sheegay madaxweynaha La Liga Javier Tebas Goal

Tottenham ayaa diyaarisay qorshe ay kula soo saxiixaneyso da’yarka aadka loo qiimeeyo ee Peterborough Ronnie Edwards, sida uu qoray Footballinsider.

Leicester City ayaa noqotay hormuudka u tartamaya saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Manchester United Jesse Lingard, sida ay sheegtay Fichajes .

Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo labada daafac dhexe ee Milan Skriniar iyo Alessandro Bastoni oo ka socda Inter, sida laga soo xigtay Mediaset .

Tababaraha Juventus Max Allegri laguma eedeyn karo bilowga xun ee kooxda ee xilli ciyaareedka iyo ku guul darreysiga inay ceshato Cristiano Ronaldo, sida uu qabo Alessandro Del Piero.

Jurgen Klopp ayaa si toos ah uga codsaday maamulka Liverpool inay la soo saxiixdaan weeraryahanka Nice Amine Gouiri, sida ay wararku sheegayaan. Fichajes.

Daafaca Leicester Wesley Fofana ayaa sheegay in riyadiisa ugu weyn ay tahay inuu u ciyaaro Real Madrid ka hor inta xirfadiisa aysan dhammaan. Goal

Agaasimaha isboortiga Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa kalsooni ku qaba inay dhawaan kordhin doonaan qandaraaska Leon Goretzka oo dhacaya. Skysports

Sida laga soo xigtay 90min , Liverpool ayaa wadahadalo la yeelatay Mino Raiola oo ku saabsan helitaanka Erling Haaland sanadka 2022.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com