Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Diogo Dalot oo go’an ka gaaray Mustaqbalkiisa, Sheekada Kylian Mbappé iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca dambeedka midig ee kooxda Manchester United Diogo Dalot ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay inuu sii joogo una dagaalamo booskiisa kooxda, xilli ay jiraan warar la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Borussia Dortmund . Goal

Sheekada kylian mbappe ayaanan wali go’an laga gaarin iyadoo Real Madrid ay ku dhow dahay in heshiiska ay ka baxdo. Sport

Ilaix Moriba ayaa kaliya doonaya inuu u dhaqaaqo RB Leipzig xagaagan, Mundo Deportivo

Milan ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brest Romain Faivre, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport .

Torino ayaa Leicester kala xiriirtay khadka dhexe Dennis Praet, sida uu sheegay Fabrizio Romano.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay seegto heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez, sida laga soo xigtay Sky Italia .

West Ham ayaa wadahadalo heer sare ah kula jirta saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda CSKA Moscow Nikola Vlasic, sida ay qortay The Guardian .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here