Wararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Barcelona oo heshiis Cusub ka Saxiixeysa Ronald Araujo, Ronald Koeman oo Shaqada laga Ceyrinayo, Xaalka Bruno Fernandes iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Jurgen Klopp ayaa qirtay inuu ka naxay in ‘dalab sax ah’ uusan imaanin weeraryahanka Liverpool Divock Origi xagaagan, Tababaraha Reds ayaa u sheegay BT Sport

Riyada Achraf Hakimi ayaa ah inuu u ciyaaro Real Madrid mar kale sida uu sheegay Antonio Conte, kaasoo la soo shaqeeyay daafaca midig ee Paris Saint-Germain iyo Inter. Conte ayaa u sheegay  Sky Sport Italia

Barcelona ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay Ronald Araujo, 22 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa 2023, laakiin Blaugrana ayaa dooneysa inay ku xirto heshiis cusub oo waqti dheer ah. sida ay sheegtay ESPN .

Weeraryahanka River Plate Montevideo Matías Arezo ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku biiritaankiisa Atletico Madrid sanadka 2022 – sida laga soo xigtay Ovacion Digital .

Saraakiisha Barcelona ayaa ka wada hadlaya suurtagalnimada in shaqada laga cayriyo tababarihii Ronald Koeman – sida laga soo xigtay TV3 

West Ham ayaa isha ku heysa daafaca Rangers Connor Goldson, Kooxda heysata horyaalka Scottish-ka ayaan wali 28-sano jirkaan siinin qandaraas cusub, sida ay hadda tahayna wuxuu si xor ah loo heli doonaa xagaaga soo aadan. – sida laga soo xigtay Football Insider .

Bruno Fernandes ayaa ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Manchester United – sida laga soo xigtay The Sun .

Juventus ayaan wali heshiis la gaarin Paulo Dybala kaas oo ka dhigaya inuu mustaqbalkiisa fog u hibeeyo kooxda. Tuttosport

Real Madrid, ayaa diyaar u ah inay kula tartamaan saxiixa Dani Olmo kooxda Barcelona. sida laga soo xigtay TMW

Weeraryahanka kooxda Red Bull Salzburg Karim Adeyemi ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich. Marca

,

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com