Wararka Suuqa Caawa: Marco Asensio oo ku biiri kara Arsenal, Liam Delap oo buuxinaya baahida Man City u qabto Haaland iyo Kane, Sheekada Alexis Sanchez iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Inter ayaa u aragta goolhayaha Ajax Andre Onana inuu yahay beddelka lambarka 1aad ee Samir Handanovic, sida ay warinayso CalcioMercato .

Xiddiga Real Madrid Marco Asensio ayaa laga yaabaa inuu ka tago kooxda haddii uusan wax badan dheelin toddobaadyada soo socda, sida ay qortay Cadena Ser.

Andreas Christensen diyaar u yahay inuu qalinka ku duugay heshiis cusub ee Chelsea – sida The Sun.

Man City ayaa wali ku raad joogta Haryy Kane iyo Haaland lakin xidiga Liam Delap ayaa loo arkaa mid kooxda kaga maarmi karto xidigahan. Goal

Real Madrid ayaa lala xiriirinayay Denzel Dumfries xagaagii, Fichajes ayaana soo warinaysa inuu weli xidigan uu xiise ka helayo Blancos. Fichajes

Fichajes ayaa warinaysa in Barcelona ay indhaha ku hayso 21 jirka reer France ee Maxence Caqueret. Fichajes.

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalabyo qandaraasyo ah siiso Mason Mount, N’Golo Kante iyo Jorginho. sida laga soo xigtay Standard Sport.

Inter ayaa dooneysa inay iska dirto Alexis Sanchez marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay InterLive .

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee Barcelona Paulinho ayaa aad loo baadi goobayaa kadib markii uu soo afjaray qandaraaskii Al Ahli Kooxaha Corinthians, Galatasaray iyo Los Angeles Galaxy ayaa dhammaantood u soo gudbiyay dalabyada 33-jirka, kaasoo hadda ah wakiil xor ah.- sida ay ku warameyso Calcio Mercato .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com