Wararka Suuqa Caawa: Juan Mata oo ka tagaya Man United, Dalabka Pedro Porro iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona ayaan awoodin inay ku qanciso Sergi Roberto inuu aqbalo qandaraas cusub, Kooxda ayaa dooneysa in xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uu aqbalo mushahar dhimis boqolkiiba 30 ah laakiin kulankoodii ugu dambeeyay ayaa ku dhammaaday is afgarad la’aan. El Partidazo de COPE .

Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso daafaca dambeedka midig Pedro Porro, sida laga soo xigtay  O Jogo .

Bayer Leverkusen ayaa il gaar ah ku haysa xiddiga Atletico Mineiro Matias Zaracho,  Fichajes .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Franck Kessie ayaa bilaash uga tagi kara AC Milan xagaaga dambe Franck Kessie ayaa xiiseynaya inuu u dhaqaaqo Premier League xagaaga soo aadan, 90min

Gennaro Gattuso ayaa u tartamaya inuu qabto shaqada Newcastle haddii Magpies -ku ay go’aansadaan inay buriyaan Steve Bruce, Calciomercato

Mikkel Damsgaard ayaa weli bartilmaameed u ah Tottenham inkasta oo uu qaab ciyaareed liita ku jiro Sampdoria xilli ciyaareedkan, sida ay sheegtay Tuttosport ,

Sevilla ayaa fikiraysa inay u dhaqaaqdo daafaca Barcelona Clement Lenglet. sida laga soo xigtay Fichajes

Xiddiga kooxda RB Leipzig Christopher Nkunku ayaa xiiso u qaba Manchester City Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa miisaameysa bisha Janaayo dalabka 23 jirkaan, kaasoo weli afar sano uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan – sida laga soo xigtay Fichajes.

Juan Mata ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa Manchester United heshiiska 33 jirkaan ayaa waxaa ka harsan wax ka yar hal sano sida ay sheegtay MEN .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com