Wararka Suuqa Caawa: Edinson Cavani oo ka laabtay go’ankiisa Man United, Sheekada Franck Kessie iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Xiddiga Milan ayaa qarka u saaran inuu ka tago Italy sanadka 2022 Xiddigan qadka dhexe ayaa xiiso ka helaya Manchester United iyo Chelsea Franck Kessie ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Premier League – sida laga soo xigtay 90min .

Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya garabka Sampdoria Mikkel Damsgaard. sida uu qabo Fichajes , 

Qiimaha suuqa ee Victor Osimhen ayaa cirka isku shareeray tan iyo markii uu yimid Napoli – sida uu ku warramayo Calcio Mercato .

Edinson Cavani ayaa ka laabtay qorshihiisii ​​ahaa inuu sii joogo Manchester United wuxuuna haatan doonayaa inuu baxo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida ay sheegtay El Grafico .

Jonathan Tah ayaa heshiis cusub u saxiixay Bayer Leverkusen, sida ay kooxdu shaacisay. Bayer Leverkusen.de

Takehiro Tomiyasu ayaa sharraxay sababta uu u diidi waayay inuu u wareego Arsenal lacag dhan £ 16 milyan oo u dhiganta ($ 22m), iyadoo daafaca heerka caalami ee reer Japan uu Gunners u arko inay tahay “mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka”. Goal

West Ham ayaa wadahadalo la furtay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Juventus Weston McKennie – sida laga soo xigtay Football Insider .

Arsenal ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga Club Brugge Noa Lang – sida laga soo xigtay Voetbal 24 .

Borussia Dortmund ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo da ‘yarka West Brom Reyes Cleary – sida laga soo xigtay Daily Mail .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com