Wararka Suuqa Caawa: Arsenal oo weli dooneysa Saxiixa Marco Asensio, Heshiiska Ansu Fati iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Arsenal ayaa weli dooneysa weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio – sida ay qortay Daily Star .

Barcelona ayaa miiska u saartay Ansu Fati heshiis waqti dheer ah, sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay indha -indheeyayaal u dirto si ay u daawadaan garabka Villarreal Arnaut Danjuma – sida ay qortay The Mirror .

Chelsea iyo Liverpool ayaa labaduba isha ku haya inay u dhaqaaqaan xiddiga kooxda Newcastle United Allan Saint -Maximin – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Real Madrid ayaa u aqoonsatay daafaca dhexe ee Inter Alessandro Bastoni bartilmaameedka suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

West Ham ayaa wadahadalo la yeelatay xiddiga qadka dhexe ee kooxda Juventus Weston McKennie, sida ay sheegtay Football Insider.

Mikel Arteta kama walwalo inuu lumiyo Bukayo Saka iyadoo la soo warinayo inay xiiseyneyso Juventus, sida ay qortay Daily Mirror.

Inter ma qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo goolhayaha Arsenal Bernd Leno, Fabrizio Romano.

Tottenham ayaa doonaysa xidiga Juventus ee Dejan Kulusevski – sida laga soo xigtay The Sun.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com