Wararka Suuqa Caawa: Alexandre Lacazette oo ka tagaya Arsenal, Liverpool oo Xiiseeneysa Marco Asensio, Xaalada Luis Diaz iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Alexis Sanchez ayaa laga yaabaa inuu ka tago Inter bisha Janaayo, Marseille, Real Betis iyo Sevilla ayaa dhamaantood lagu sheegay meelaha uu ku biiri karo sida laga soo xigtay Calcio Mercato

Alexandre Lacazette lama filayo inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal, Qandaraaska weeraryahanka ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareed kaan, iyadoo xiddiga reer France uu durbadiiba lala xiriirinayo Atletico Madrid. sidaas waxaa qortay Le10 Sport .

James Rodriguez ayaa ka tagay Everton si uu ugu saxiixo kooxda reer Qatar ee Al Rayyan.

Kooxda Swiss Super League ee FC Basel ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Liverpool Loris Karius, Bild

Tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez ayaa sheegay inuusan wax wada hadal ah la galin Barcelona si uu ugu bedelo Ronald Koeman oo ah tababaraha kooxda. Eurosport.fr

Barcelona waa inay bixisaa million 1.8 milyan (£ 1.5m/$ 2.1m) si ay u hesho Roberto Martinez una bur Buriton qandaraaska uu kula jiro xulka qaranka Belgium, Sport

Bayern Munich ayaa xiiseyneysa saxiixa daafaca Chelsea Antonio Rudiger, sida laga soo xigtay Bild

Inter ayaa diyaarineysa dalab cusub oo ay ku dooneyso xiddiga Atalanta Robin Gosens, Calciomercato .

Bayern Munich ayaa indhaha ku heysa xiddiga kooxda FC Porto Luis Diaz si uu ugu noqdo badalka Kingsley Coman, sida laga soo xigtay  TZ .

Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha isha ku haya xiddiga Real Madrid Marco Asensio, sida laga soo xigtay Fichajes .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com