Wararka Suuqa Caawa: Ac Milan oo dalab ka gudbisay Hector Herrera, Dhamaadka Nolosha Samir Nasri iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Xiddigii hore ee Manchester City iyo xulka France Samir Nasri ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha isagoo jira 34 sano. goal

Florian Wirtz ayaa indhaha ku haya Real Madrid si uu ugu dhaqaaqo xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo Los Blancos ay isha ku heyso xidiga Bayer Leverkusen, Fichajes.

AC Milan ayaa dalab ka gudbisay xiddiga qadka dhexe ee Atletico Madrid Hector Herrera,   sida ay ku warameyso El Gol Digital.

Diego Simeone ayaa ku riixaya Atletico Madrid saxiixa Pedro Goncalves oo ka tirsan Sporting, sida laga soo xigtay  Fichajes .

Agaasimaha isboortiga Bayern Munich Hasan Salihamidzic ayaa kooxda ka fogeeyay wararka ay sheegaya inay la soo wareegaan daafaca Chelsea Antonio Rudiger. Bild

Barcelona ayaa ku qasbanaan doonta inay wada xaajood cusub la gasho Memphis Depay haddii ay doonayaan inuu sii joogo in ka badan laba sano. Mundo Deportivo  

Paris Saint-Germain ayaa ku dartay daafaca Sevilla Diego Carlos liiska bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.  Fichajes

Barcelona ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato garabka kooxda Porto Luis Diaz- sida laga soo xigtay Marca .

Timo Werner ayaa doonayay inuu ku biiro Manchester United ka hor inta uusan dhameystirin ku biiritaankiisa Chelsea – sida ay qortay Sport Bild .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com