War Naxdin ku ah Chelsea: Dhaawac soo gaaray Romelu Lukaku oo baaritaan lagu sameenayo

Getty Images

Romelu Lukaku ayaa baaritaan lagu sameyn doonaa bowdadiisa ka hor inta uusan goor hore ku soo laaban Chelsea isagoo ka soo baxay waajibaadka Belgium.

Weeraryahanka 97.5 milyan oo ginni ku fadhiya ayaa jaale lagu siiyay intii uu dalkiisa 3-0 kaga badiyay Czech Republic habeenkii axada, taasoo ka reebtay kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay Arbacada la ciyaarayaan Belarus.

Taas ayaa la micno ah inuu xor u noqon doono inuu dib ugu laabto Cobham ka hor kulanka Chelsea iyo Aston Villa ee sabtida.

Inkastoo ay taasi u tahay war wanaagsan Thomas Tuchel, 28 jirkaan ayaa daaha ka qaaday walaac yar oo dhaawac ah.

“Marka hore waxaan baari doonaa bawdada,” ayuu yiri. “Waxaan la halgamayaa arrin yar muddo yar. Ka dibna waxaan ku laaban doonaa Chelsea. ”

Lukaku ayaa sii dheereystay rikoorkiisa gooldhaliyaha ugu sarreeya Belgium isagoo dhaliyay goolkiisii ​​67-aad ee xulkiisa isagoo kor u qaaday kulankiisii ​​100-aad.

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here