WAR LA SUGAYAY: Jurgen Klopp Oo Ugu Dambayn Soo Af-Meeray Doodii Jamaahiirtu Ku Daaleen Ee Ahayd Midka Wanaagsan Isaga & Pep Guardiola

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa aragtidiisa ka dhiibtay tababaraha ugu wanaagsan jiilka tababarayaasha ee wakhtigan xilli lagu murmo isaga, Pep Guardiola iyo macalimiin kale oo laga xusi karo Carlo Ancelotti, Jose Mourinho iyo xataa Zinadine Zidane.

Labadan tababare ayaa ahaa kuwo si fool ka fool ah iskaga hor imanayay tan iyo sanadkii 2013 markii uu Guardiola u wareegay dhinaca Bayern Munich iyadoo uu Klopp hoggaaminayay Borussia Dortmund.

Klopp

Klopp

Sidoo kale waxa ay ahaayeen kuwo markale kusoo tartamayay gudaha England tan iyo markii uu Pep Guardiola la wareegay Man City sanadkii 2016 bilooyin kaddib Jurgen Klopp oo October 2015 loo magacaabay Liverpool.

Klopp ayaa sanadkii 2015 Brendan Rodgers kala wareegay Liverpool isagoo si taariikhiya ugu hoggaamiyay kooxdaas horyaalka Premier League oo ay mudo aad u dheer soo sugayeen.

Walow uu waxqabadkaas soo sameeyay haddana waxa uu diiday inuu naftiisa ka sarreysiiyo Pep Guardiola isaga oo sheegay in macalinka Manchester City uu yahay tababaraha ugu wanaagsan wakhtigoodan.

Klopp oo u warramayay Robbie Savage kuna marti ahaa barnaamijka Premier League Breakfast iyo BBC Radio 5 ayaa yidhi “Anigu waan ixtiraamaa waxa uu samaynayo, marka aanu kulano waxaan doonayaa inaan ka adkaado”

“Laakiin anigu gabi ahaanba wax dhibaato ah kuma qabo inaan qirto aragtidayd 100% daacada ah ee ah inuu yahay tababaraha ugu wanaagsan wakhtigayagan”

“Taasi wax dhib ah iguma aha aniga, taasi aniga igama qaadayso kalsoonida ama waxkale, anigu in badan ayaan si aad u adag ula dagaalamay kooxaha Pep Guardiola, ma garanayo inta sano, saddex ilaa afar sano Germany dhexdeeda”

“Anigu xataa kumaan dhawayn (Kooxahaygu kumay dhawayn) kooxaha Pep Guardiola sidaas darteed waxaan haystay wado kale oo aan ku gaadho dagaalkaas.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII