WAR HORDHAC AH: Qaraxii ka dhacay Dhuusamareeb & Khasaaraha ka dhashay

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaam ah oo goordhow ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarun Goboleedka Galmudug,waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wariyeyaal ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa qof isa-soo miidaamiyay,isla markaana uu ka dhacay kasoo horjeedka Xarunta Inji oo uu ku Shaqeeyo Maamulka Galmudug gaar ahaan Xafiiska Madaxa Xukuumadda ee Maxamed Shaakir Cali xasan.

Inta la ogyahay Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen, sidoo kalena uu ku dhintay ruux naftiis halige ah oo isku qarxiyay maqaayad kasoo horjeeda Xerada Inji ee Magaalada Dhuusamareeb oo ah halka ay ka socotoy diiwaan gelinta Ciidamada Ahlu suna ee la qarameeyay.

Qaraxaan ka dhacay Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magalada Dhuusamareeb uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here