WAR DEG DEG AH: Qarax kale oo ka dhacay Dhuusomareeb

0

Qarax kale oo xoogan ayaa goordhaw laga maqlay magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana qaraxan la sheegay in uu ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska.

Dad kusugan magaalada Dhuuso Mareeb ayaa noo sheegay in ay maqleen dhawaqa qaraxa goordhaw dhacay , walina lamana oga in qaraxan goordhaw dhacay uu yahay mid ismiidaamin ah iyo qarax kale.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa labaad ka dhacay, waxaana la xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Dhuuso Mareeb gaar ahaan wadooyinka gala xarumaha ay joogaan Madaxda dowlada iyo kuwa Galmudug.

Xaalad kacsaan ah ayaa ka jirta magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana jirta cabsi laga qabo in qaraxyo kale magaalada ka dhacaan, waxaana feejignaan la galiyay ciidamada amaanka ee magaaladaasi ku sugan.

Qaraxan goordhaw dhacay ayaa noqonaya kii labaad oo daqiiqado gudahooda ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana goor sii horeesay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray isku qarxiyay meel ku dhaw xarunta INJI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here