WAR DEG DEG AH: Askari Haween Ku Laayey Gudaha Muqdisho

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa Qori AK47 ah uu dad ku laayey Degmada Warta Nabada Ee Magaalada Muqdisho.

Rasaas ayuu ku furay Askarigaan Goob haweenka Mingista looga tumo,waxaana ka dhashay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Labo Qof ayaa dhintay waxaana ku dhaawacmay 9 Kale oo Haween u badnaa meeshaas ayaana mar keliya isku badeshay kala carar iyo dhiig daadsan.

Wararka waxay sheegayaan in agagaarka Masjidka Xaaji Yuusuf,iyadoo ninka falka geystay loo maleenayo in maan dooriye uu soo isticmaalay oo Maskaxdiisa aysan Fadhin.

Ilaa hadda ma jirto cid laamaha amniga katirsan oo tegtay goobta ay wax ka dhaceen,iyadoo Askariga dilka geystay uu baxsaday.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII