WAR CUSUB:-James Swan oo lagu wado in uu berito tago Kismaayo

Waxaa maalinta berito ah ku wajahan magaalada Kismaayo wafdi uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee xog’hayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Wafdiga ayaa la sheegayaa in safarkoodu uu la xiriiro u kuurgalida geedi socodka doorashada Jubbaland.

Dhanka kale Musharaxiintii aan isdiiwangalin ayaa codsanaya in loo ogolaado in ay dib isku diiwaan giliyaaan iyaga oo raali ku noqonayaan ama aqbalayaan xildhibaanada ay soo xuleen gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland.

Musharaxiintii hore ayaa waxa ay dareemayaan in ay qalad ahayd in ay Diidaan in ay isdiiwaan-galiyaan.

Safarkii ugu danbeeyay ee uu James Swan ku tagay magaalada Kismaayo waxa uu sheegay in aad ugu qanacsan yahay qaabka loo wado doorashada Jubbaland.

Maalinta isniinta ayaa lagu wadaa in ay doorasho Madaxweynaha ka dhacdo magaalada Kismaanyo.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here