WAR CUSUB: Cid kasta oo Fiiso la’aan gasha Puntland oo Xukun Wajaheysa

0

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in fiiso la’aan aan la soo gelin gudaha degaanada Puntland wixii hadda ka dambeeya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa shaaciyay in la qaban doono sharcigana lala tiigsan doono cid kasta oo fiiso la’aan soo gasha gudaha Puntland.

“Puntland waxaa lagu soo geli karaa fiiso, cid kasta oo tahriib iyo sharci darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Wasiirku ma cadeynin cida laga doonayo iney fiise ku soo gasho degaanada Puntland Soomaalida iyo iyo ajaaniibta kuwa ay yihiin, balse hadalkiisa oo ahaa mid aad loola yaabay ayaa su’aalo badan ka dhex dhaliyey Soomaalida, iyadoo baraha bulshada si weyn looga hadal hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here