Waqtiga la Ciyaarayo El Clasico Real Madrid Vs Barcelona oo la Shaaciyay

Maamulka horyaalka Spain ee LaLiga ayaa shaaciyey waqtiga la ciyaarayo kulanka koowaad ee El Clasico ee labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona, kaas oo kusoo beegmi doona xilli ay labada kooxood ku jiraan laba duruufood oo kala duwan.

Labada kooxood ee ugu waaweyn Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku kulmi doona ciyaartooda koowaad ee xilli ciyaareedkan usbuuca 10aad oo ku beegan fiidnimada Axadda October 24.

Kulanka koowaad oo ka dhici doona  garoonka Barcelona ee Camp Nou ayaa waxay ciyaartoodu bilaabmi doontaa 5:15pm xilliga Geeska Afrika, waxaana midkooda guuleysta gaadhi doonta hantaaqo ay suurtogal tahay inay ka faa’iidaysato Atletico Madrid oo ah kooxda horyaalka difaacanaysa xilli ciyaareedkii horena ka dhex-qaadday labadoodaba.

Real Madrid oo haysa hoggaanka horyaalka haysa ayaa ka hor inta la gaadhin kulanka Barcelona waxay ciyaari doontaa saddex kulan oo horyaalka ah iyadoo waajihi doonta Villarreal, Espanyol iyo Athletic Bilbao, waxaase u raaci doona laba  kulan oo Champions League ah oo ay waajihi doonto Sheriff iyo Shakhtar Donetsk oo ay ku xigayso Barcelona.

Kooxda tababare RonaldKoeman ayaa iyaduna waxay ka hor Clasico ciyaari doontaa saddex kulan oo horyaalka Laliga ah oo kala ah Levante, Atletico Madrid iyo Valencia, kuwaas oo ay u raacayaan laba ciyaarood oo Champions  League ah oo ay waajahayso Benfica iyo Dynamo Kiev.

Barcelona ayaa heli doonta hal maalin oo kaliya oo nasasho ah ka hor kulanka El Clasico, waxaanay qaabbili doontaa Real Madrid oo iyaduna laba ciyaarood laba maalmood soo nasatay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com