Wakiilka Xidiga Jorginho oo ka Dhawaajiyay goorta uu ka tagayo Chelsea iyo Halka uu ku biirayo

Wakiilka Jorginho ayaa qirtay in uu xiddiga khadka dhexe ee Chelsea uu doonayo inuu ku laabto Italy.

Laakiin wakiilka xiddiga Azzurri ayaa ku adkeysanaya inuu weli diirada saarayo waayihiisa Stamford Bridge inkastoo uu xiiso ka helayo kooxda Napoli.

Jorginho, oo 29 jir ah, ayaa ku riyaaqay sanad cajiib ah kooxda iyo xulkaba isaga oo kula guulaystay laba koob oo waaweyn.

Xiddiga dhalasho ahaan ka soo jeeda Brazil ayaa kooxda chelsea kula guulaystay champions League ka hor inta uuna xulka Italy kula guulaysan euro 2020 xagaagii.

Wakiilka Jorginho Joao Santos ayaa u sheegay Radio Bianconera: “Waxa uu qandaraas kula jiraa Chelsea ilaa 2023.

“Sida iska cad, waxay u noqon lahayd riyo inuu ku laabto Talyaaniga, waxaan rajeynayaa ka dib markii uu ku guuleystay Koobka Adduunka”.

“Waa inaan aragnaa sida uu suuqa u eg yahay dhowr sano gudahood iyo sida xaaladaha kale yihiin.”ayuu sii raaciyay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here