Wakiilka Paul Pogba oo Sheegay in Xidigan uu Ku Laaban Karo Kooxda Juventus

Paul Pogba

Wakiilka Paul Pogba Mino Raiola ayaa lagu soo waramayaa inuu sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United uu ku laaban karo Juventus dhamaadka qandaraaskiisa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France ayaa ka tagay Bianconeri si uu dib ugu biiro Red Devils 89 milyan oo ginni sanadkii 2016kii.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa jiray mala-awaal joogto ah oo ku saabsan mustaqbalka Pogba, 28 jirkaan ayaana qandaraaskiisa kooxda uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Raiola, ma ahan markii ugu horreysay, wuxuu ka hadlay mustaqbalka macmiilkiisa Pogba ee Old Trafford.

Waxa uu u sheegay RAI sida uu qoray Corriere dello Sport: ‘Heshiiska Pogba wuxuu dhacayaa sannadka dambe. Waan la hadli doonaa Manchester oo waan arki doonaa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com