Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Degaana Hoostaga Magaalada Jowhar

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

Tuulooyin iyo deegaanno hoostaga Degmada Jowhar oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo uu maro Wabiga Shabeelle waxaa laga soo wariyay in uu karkaarada ku jabsaday saacadihii lasoo dhaafay.

Tuulada baarey oo dhanka Waqooyi Magaalada Jowhar dhacda ayaa lasoo wariyay in daadadka fatahaadda gudaha ay u galeen, waxaana barakacay qoysaskii halkaa degenaa oo cabsi xooggan maalmihii lasoo dhaafay ka qabay Wabiga.

Dadka deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in buq Tuulada ku taalla oo biyaha Wabiga isu tagaan in ay jabsatay, biyihii ku jiray waxa ay ku rogmadeen xaafadaha dadka deegaanka oo iyanna barakac sameeyay.

Mas’uuliyiin Katirsan Maamulka Magaalada jowhar oo tuulada tagay ayaa gurmad u sameeyay qoysaska danta yar ee isugu jira Beeraley iyo Xoolo dhaqatada ee kunool Tuulada Baarey oo Wabiga ku fatahay.

Wabiga Shabeelle ayaa karkaarada ku jabsaday deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan tuulooyin iyo xaafado katirsan Degmada Afgooye, waxaana ka barakacay qoysaskii halkaa degenaa.

Xili roobaadka iyo waqtiga itoobiya uu roobka ka da’o oo ay biyo badan soo raacaan Wabiga waxa uu karkaarada ku jabsadaa deegaannada dalka uu maro, waxaana jirin biyo xireen lagu xakameeyo kolka Wabiga uu buuxsamo, waana tan keentay in joogto noqoto fatahaadda.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Degaana Hoostaga Magaalada Jowhar appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII