Waare oo sheegay in doorasho lawada ogol yahay dalka ka dhacdo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay shirka maanta  ayaa sheegay in ay Galmudug ku talaabsatay hormaro la taaban karo isla markaana ay Galmudug u danqatay shacabka Soomaaliyeed iskuna keentay sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu soo hadal qaaday Arimaha dastuurka ayuu  madaxweyne  Waare yiri “Waxaa maalmahan batay in dastuurka la tuuro, waxaa lagu leeyahay waa qabyo dastuurka qabyo maaha, waa turjumaad qaldan kalmada ingiriiska draft, illaa laga ansixiyo, Jabuuti laga soo bilaabay wax caqli naga maqan bannaanka ka jira ma jiraan, waa iska hor imaanayaa la yiraahdaan ma jiraan, waxay ku xiran tahay in il naxariis lagu fiiriyo in niyad wanaag lagu fasiro, waxay u baahan tahay il hooyo in lagu fiiriyo oo aan il eeddo lagu fiirin”

Waxa uu sheegay Waare in ay muhiim tahay in aan eed loo jeedin Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka aan loo jeedin eed ee Madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyadu ay ka heshiiyaan doorashooyinka iyo arimaha Masiiriga ah ee dalka.Image may contain: one or more people

Madaxweyne Hirshabeelle ayaa xusay in ay muhiimtahay in laga wadatashada Maqaanka Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya aysan jirin sabab dib loogu dhigo in laga hadlo matalaada Gobolka Banaadir.

Waare ayaa Xusay in canshuur ahaan Ganacsatada Muqdisho looga qaado ku dhawaad 1 bilyan oo doollar lagana qaado culayska badan ee amni daradu u dheertahay sida uu hadalka u dhigay.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Waare oo sheegay in doorasho lawada ogol yahay dalka ka dhacdo appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII