Waa Maxay Sababta Uu Frank Lampard Keyd U Dhigay Goolhayaha Ugu Qaalisan Dunida Kulankooda Ugu Muhiimsan Xilli Ciyaareedka?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Tababare Frank Lampard ayaa qaatay go’aan weyn oo ka yaabiyay taagerayaal badan oo Chelsea ah isagoo kursiga keydka dhigay goolhayaha ugu qaalisan dunida Kepa Arrizabalaga kuna soo bilaabay goolhayaha keydka Willy Caballero.

Chelsea ayaa ciyaareysa kulankeedii ugu muhiimsanaa xilli ciyaareedka iyagoo u baahan inay hal dhibic ka helaan kulanka galabta ee Wolves si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda Champions League.

Goolhaye Kepa ayaa lagu ciqaabay sida xun ee uu u shabaqa u ilaaliyay kulankii Liverpool ee Arbacadii la soo dhaafay.

Advertisements

Kepa oo aan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin xilli ciyaareedkan ayaa mar kale kursiga keydka ku noqday iyadoo tababare Lampard uu kalsooni ku qabi waayay ka dib shaqadiisii kulankii Liverpool oo shan gool laga dhaliyay.

Waxay tani dhaawac xun ku tahay goolhayaha kaasoo haatan helay fariinta ah inuusan aheyn goolhayaha ugu muhiimsan kooxda mar haddii keyd la geliyay kulankii ugu muhiimsanaa.

Willy Caballero oo dhowr jeer lagu soo bilaabay shaxda Chelsea xilli ciyaareedkan ayaa wacdarro dhigayay mar walba, tababare Lampard ayaana ku tashanaya inuu si la mid ah sameyn doono kulanka maanta.

Dhanka kale N’Golo Kante ayaa taam u noqon waayay kulanka maanta halka Willian isagana gabi ahaanba laga soo tagay, waxaana shaxda lagu soo bilaabay xiddiga Mareykanka Christian Pulisic kaasoo wacdarro dhigay kulankii Liverpool.

Shaxda Chelsea ay kala hortageyso Wolves waa sida tan:

Chelsea: Caballero; Azpilicueta, Zouma, Rudiger, James, Jorginho, Kovacic, Alonso, Pulisic, Giroud, Mount.

Keyd: Kepa, Christensen, Emerson, Tomori, Loftus-Cheek, Pedro, Barkley, Hudson-Odoi, Abraham.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII