Waa Maxay Sababta Neymar Loogu Bandhigayo Man United & Man City Xilli Barcelona Ay Xiiseyneysay?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ma ahan markii ugu horeysay laakiin Neymar ayaa ku jira xaalad murugo ah. Xiddiga PSG wuxuu doonayaa inuu ku laabto Barcelona laakiin kooxda reer Catalan ma heysato dhaqaale ay ku soo ceshato sababo la xiriira caabuqa Korona.

Real Madrid ayaa sidoo kale ka baxday tartanka madaama xiddiga reer Brazil uusan dooneynin inuu gabi ahaanba jaro xiriirka kala dhaxeeya Camp Nou, sidaasi darteed waxaa 28 jirkaan loo bandhigayaa Manchester United ama Manchester City.

Xagaagii la soo dhaafay, Neymar waxa uu heshiis rageed la gaaray Paris Saint-Germain.

Waxay ogolaadeen inay lacag badan ku fasaxaan oo aysan wadadiisa hor istaagin haddii uu si xirfadlenimo ah ku dhameysto xilli ciyaareedka.

Dad badan ayaa aaminsan in xiddiga reer Brazil Neymar inuu ka soo baxay qeybtiisa heshiiska.

Isagoo dhaliyay 18 gool islamarkaana caawiye ka noqday 10 gool kale 22 kulan uu saftay, waxa uu ahaa hogaamiyaha weerarka PSG isagoo xitaa qariyay xiddiga da’da yar Kylian Mbappe.

Si kastaba, dunida ayaa isbedeshay tan iyo markii uu Neymar heshiiskaas la gaaray kooxda Faransiiska, madaama Barcelona aysan haatan awoodin inay soo ceshato.

Kooxda La Liga ka dhisan waxaa dhaqaale xumo baahsan ku riday Korona Fayras, iyadoo ciyaartoyda ay aqbaleen mushahar dhimis boqolkiiba 70 ah si la isagu dheelitiro buuga xisaabta.

Sidaasi darteed waxaa haatan loo arkaa in xiddigaan loo bandhigayo Manchester United iyo Manchester City iyadoo Neymar uu doonayo inuu PSG isaga tago.

Sannad ka hor United waxaa loo soo bandhigay Neymar.

PSG waxay dooneysay inay ciyaartoy Red Devils ah ku soo bedelato laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo maamule Ed Woodward ayaa iska diiday iyagoo doortay inay ceshtaan ciyaartoyda ay heystaan.

Haatan si la mid ah ayaa dhici karta.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII