Waa Maxay Sababta Aanu Cristiano Ronaldo Waligii Shaadhka Uga Beddelan Doonin Ciyaartoy Ka Tirsan Roma?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano, shaadhkiisa ma bixin doona kulamada ay kooxdiisu la ciyaari doonto Roma xili ciyaareedka dambe ama waqti kaleba xilliga uu doono ha noqdeen, mana dhici doonto in garan uu iska saaray CR7 uu qaato ama xidho ciyaartoy ka tirsan Roma.

Laacibkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, waxa uu horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A sannadkii labaad oo xidhiidh ah la qaadayaa Juventus, isagoo waliba dhigay rikoodho duugoobay oo aanay beryahaas cidi soo qabanin.

Ronaldo oo usbuucii hore loo diiwaangeliyey ciyaartoygii ugu horreeyey ee muddo saddexda horyaal ee Premier League, LaLiga iyo Serie A ka dhaliya min 50 gool iyo ka badan, sidoo kalena waxa uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee tan iyo sannadkii 1952kii 30 gool ka dhaliya Serie A xili ciyaareed gudihiisa.

Advertisements

Waxa kale oo u raacay inuu yahay ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee Serie A ka dhaliyey 50 gool ta iyo sannadkii 1985kii, waxaanu rikoodhkan ku gaadhay 61 ciyaarood.

Sidaas oo ay tahay, Ronaldo waxa uu iska xaaraantimeeyey in ciyaartoyda kooxda Roma uu shaadhkiisa u beddelo marka ay dhamaadaan kulamada ay iskaga hor yimaaddaan.

Sababta uu CR7 u qaatay go’aankan ayaa waxay tahay inuu nacayb xad-dhaaf ah u qabo kooxdan lagu naanayso Giallorossi, waxaanu cadowtinimadaas u qaaday xilligii uu ka tirsanaa Manchester United.

Kulan sannadkii 2007 dhex maray Manchester United iyo Roma, kana tirsanaa wareegga siddeedda ee Champions League oo ay Red Devils ku badisay 7-1 ayaan wali ka bixin niyadda Ronaldo, nacaybka uu kooxdan u qabona uu ka qaaday.

Cristiano Ronaldo oo waraysi bixiyey December 2018 ayaa si rasmi ah u shaaciyey in shaadhkiisu xaaraan ka yahay ciyaartoyda Roma, waxaanu yidhi: “Markii ay ciyaartaasi (kulanka Man United ku badisay 7-1), waxay i weydiisteen inaan joogsado, mid ka mid ah ciyaartoydii Roma ee iga soo horjeeday ayaa iga baryaya inaan xarfadda ka daayo.

“Kuwo kale ayaa iigu hanjabay inay i dhaawacayaan. Roma? ma jiri doono ciyaartoy ka tirsan oo aan shaadhkayga u beddelayo.”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII