Waa Maxay Rikoodhka Ay Real Madrid Samaysay Kulankii Alaves Ee Afarta Sannadood Ay Raadinaysay?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Real Madrid ayaa si xidhiidh ah u guuleysatay dhamaan ciyaarihii ay dheeshay intii uu horyaalka LaLiga dib u bilaabmay, waxaanay ka sare martay Barcelona oo laba dhibcood ka sare martay kulamadii bishii March horraanteedii oo Los Blancos ay guul-darrooyin lama filaan ah kasoo gaadheen kooxaha hoose.

Kooxda tababare Zidane waxay niyadda ku haysaa in laba tallaabo oo kali ahi ka xigaan hanashada horyaalka Laliga, waana inay badiyaan labada ciyaarood ee ugu soo horreeya ee Isniinta iyo Khamiista, markaas oo ay damaashaadkooda ka bilaabi doonaan garoonka Villarreal haddii ay saddexda dhibcood kasoo helaan.

Macallinka reer France ayaa usoo celiyey Real Madrid rikoodh ay ugu dambaysay afar sannadood ka hor, gaar ahaan xilli ciyaareedkii ugu horreeyey ee uu xilka qabtay, iyadoo uu xilligaas ay kooxdu guulo xidhiidh ah dabada iskugu qabatay markii uu shaqada laga eryey Rafa Benitez.

Siddeeda guulood ee xidhiidhka ah ee ay Real Madrid gaadhay kulamadii dib loogu bilaabay horyaalka, waxay ku barbarraysay rikoodhkeedii hore ee xili ciyaareedkii ugu horreeyey ee Zidane oo siddeed kulan oo xidhiidh ah ay badiyeen, kaas oo afartii sannadood ee ka dambeeyey aanay helin.

Real Madrid oo ay ugu dambaysay inay ku guuleysato horyaalka waddanka Spain ee LaLiga sannadkii 2017 oo uu Zidane u qaaday, waxa labadii sannadood ee xigay si xidhiidh ah u hanatay Barcelona, balse markan ayay Los Blancos dhexda u galaysaa haddii ay shan dhibcood ka keento saddexda ciyaarood ee u hadhsan.

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII