Waa Kuma Ciyaartoyga Madax-xanuunka Ku Riday Solskjaer Ee Ka Tirsan Manchester United?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa uu madax xanuun ka qaaday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan Manchester United, kaas oo uu ka qabo walaac weyn oo la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa.

Sida uu sheegay Craig Burnley oo hore difaaca ugaga ciyaari jiray Chelsea, Solskjaer waxa uu walaac weyn ka haysaa difaaca reer England ee Harry Maguire oo ah kan ugu qaalisan dunida, isla markaana ay Red Devils kusoo iibsatay £80 milyan oo Gini.

27 jirkan oo bandhiggiisii cajiibka ahaa ee bilowgiiba uu ku qabsaday Old Trafford ku mutaystay in lagu abaal-marino Kabtannimada kooxda, waxa uu bishii hore dhibbane u noqday eedayn kaga timid Roy Keane oo ku canaantay sidii  uu u xakamayn kari waayey Steven Bergwijn kulankii Tottenham.

Advertisements

Waxa kale oo uu Harry Maguire ku fadeexadoobay kubaddii uu Josh King ka dhex-saaray labadiisa lugood ciyaartii Bournemouth inkasta oo Red Devils ay 5-2 ku garaacday.

Waxa ugu dambaysay ciyaartii Southampton oo Michael Obafaemi uu daqiiqaddii 96aad ka dhaliyey gool barbarro ah oo ka hor istaagay Red Devils inay booska saddexaad ee horyaalka Premier League gasho.

Inkasta oo goolka Obafaemi canaantiisa la saaray Lindelof, haddana Craig Burnley  waxa uu dareensan yahay in Harry Maguire aanu kasoo bixin shaqadiisii oo uu diciif noqonayay kulamadii ugu dambeeyey, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Lindelof uu fiican yahay, laakiin lacagta ay ka bixiyeen Harry Maguire, in aad looga badbadiyey.

“Haddii aan ahaan lahaa Solskjaer, waxa walaac igu hayn lahayd inaan wada ciyaarsiiyo labadaas difaac dhexe. Waynu ognahay in aanay kalidood joogin kooxda.”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII