Waa Imissa Lacagta Ay Helayaan Arsenal Ama Chelsea Haddii Ay Ku Guuleystaan Koobka FA Cup Maanta?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Koobka FA Cup ayaa la soo gabagabeynayaa maanta iyadoo Arsenal iyo Chelsea ay ku balansan yihiin garoonka Qaranka Ingariiska ee Wembley Stadium.

Laakiin in koobka kaliya kor loo qaado ma ahan wax loo tartamayo maanta.

Kooxaha magaalada London ku xafiiltama ayaa midkiiba waxa uu jeebka ku soo ritay 1.8 milyan ginni ka dib guulihii ay soo gaareen semi-finalkii FA Cup.

Advertisements

Gunners waxay daaqada ka tuurtay kooxdii koobkaan difaacaneysay ee Man City halka Blues ay u soo awood sheegatay Man United, labada kooxood ee Manchester ka dhisan ayaa lagu sabarsiiyay abaalmarin lacageed oo gaareysa 900 kun ginni midkiiba.

Koobka kor loo qaadayo maanta, waxaa sidoo kale la socda abaalmarin lacageed oo gaareysa 3.6 milyan ginni.

Kooxda laga qaado koobka waxay heli doontaa kala bar lacagtaas oo ah 1.8 milyan ginni.

Caadiyan waxay kooxaha heli jireen boqolkiiba 45 lacagta tikidhada garoonka Wembley.

Si kastaba, sannadkan waxaa finalka lagu ciyaarayaa garoon uu albaabada u xiran yahay sababo la xiriira fayraska Korona.

Arsenal iyo Chelsea ayaase heli doona lacago kale oo dheeri ah oo la xiriira xuquuqda baahinta madaama TV-yo badan ay sii deyn doonaan kulankaan.

Sida ay sheegtay jariirada Telegraph, lacagaha abaalmarinta ee koobka FA Cup ee xilli ciyaareedka danbe ayaa la dhimi doonaa madaama xiriirka kubada cagta Ingariiska uu soo wajahay xaalad dhaqaale xumo sababo la xiriira safmarka Korona.

Warbixinta wargeyska waxaa lagu sheegay in FA-ga uu qasaaray lacag gaareysa 300 milyan ginni.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII