Virgil van Dijk oo ka Hadlay dhaawac durba soo gaaray Daafacan Kulankii Xalay ee Turkiga

Virgil van Dijk ayaa meesha ka saaray walaaca laga qabo dhaawaca soo gaaray ka dib markii uu jug xanuun badan ka soo gaaray ciyaartii Netherlands ay ka badisay Turkey , isagoo sheegay inuu ‘durba ka baxay’ jugtii canqowga.

Netherlands ayaa 6-1 kaga badisay Turkiga magaalada Amsterdam intii lagu guda jiray ololahoodii isreebreebka Koobka Adduunka iyadoo uu seddexleey ka dhaliyay Memphis Depay iyo goolasha Davy Klaasen, Guus Til iyo Donyell Malen.

Waxay u ahayd habeen aad u muhiim badan Dutch -ka, iyada oo Turkiga ay la timid oo kaliya hal gool waqtigii dhimashada, laakiin waxaa jiray walaac markii Van Dijk uu dhaawac ka soo gaaray dhammaadkii ciyaarta.

Goolhaye Justin Bijlow ayaa baas xun u sameeyay xiddiga Liverpool, taasoo keentay in daafaca weyn uu hoos u dhaco oo uu canqowga qabto taas oo walwal ku abuurtay taageerayaasha Reds meel walba.

30 jirkaan ayaa seegay inta badan xilli ciyaareedkii hore dhaawac halis ah oo jilibka ah, laakiin wuxuu sheegay in jugtaan aysan ahayn wax laga walwalo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here