Villa Soomaaliya Oo Cadaadis Ay Saartay Hanti dhowraha War Kale Maanta Shaaciyey

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay Cadaadis saartay Hanti dhowraha Qaranka kadib Warbixintii uu soo daabacay.

Hanti dhowre Maxamed Cali Afgooye ayaa waxa uu maanta mar kale warbaahinta kasoo muuqday isagoo si kulul uga hadlay Warbixintii uu shalay faafiyey oo si khaldan loo fasiray.

Waxa uu Mr Afgooye sheegay in Warbixinta ay marnaba sheegin in Lunsasho ay sameeyeen Madaxda Dalka balse ay dadka qaar ay ku tilmaameen Qoraalkiisa mid ay fasirteen.

Lacagta 18 Milyan Ee La arkin qoraal ahaan waxay taallaa bankiyada Caalamka balse aan xisaab xirka lagu soo darin ayuu sheegay Hanti dhowraha.

Waxa Dadka qaar Ee dhaqaalayahanka ah ay ku tilmaameen mid ay Madaxda Dawlada ka dambeeyaan inuu deg deg warbaahinta ula hadlo.

Hanti dhowraha ayaa Qoraalkii uu soo bandhigay Shalay Arbacadii waxay gil gishay Madaxda Soomaaliya oo xitaa ay gaartay Warbaahinta caalamka Qoraalkaasi.

Dalalka Deeq bixiyeyaasha ah ayaa waxa laga cabsi qabaa inay Dawlada Soomaaliya ka jartaan Dhaqaalaha maadaama ay warbixinta shalay ay ifineysay wax badan waloow hanti dhowraha uu war kale maanta soo saaray.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here