Villa Somalia oo hormuud ka ah mooshin xil ka qaadista RW Kheyre

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: < 1 minute

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
204 days
15 hours
51 minutes
09 seconds

Waxaa banaanka u soo baxaya khilaafkii ugu adkaa uguna weynaa oo afar sano kadib soo kala dhaxgala madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoonada baarlamaanka, waxa uuna sameeyay hay’adaha fulinta iyo Golaha baarlamaanka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warkii.com ayaa sheegaya in xalay xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha ay ku jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre ayna ka soo horjeesteen qorshaha ra’iisul wasaaraha ee ah in loo laabto doorasho dadban.

Villa Somalia ayaa abaabulaysa in baarlamaanka iyo wasiiradaba diidaan qorshaha Ra’iisul wasaaraha oo ah in laga wada hadlo doorashada Soomaaliya nuuca ay noqoneyso iyagoo Madaxweynaha ka taageraya qorshahiisa qof iyo cod ah, ee aan dalka ka dhici karin, balse ujeedku yahay in waqti lagu lumiyo si loo helo muddo kororsi.

Wasiirada ka soo horjeeda qorshaha Ra’iisul wasaaraha waxaa kamid ah Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay baarlamaanka si kulul uga hor hadashay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u tegay Dhuusomareeb inuu madax goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashada, waxaana la rumeysan yahay inuu kaga aragti yahay inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Lama oga sida uu noqon doono xaalka Soomaaliya hase yeeshee waxaa sii xoogeysanaya khilaafka madaxda dowladda, kaas oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Villa Somalia oo hormuud ka ah mooshin xil ka qaadista RW Kheyre appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII