Van Dijk, Ronaldo Mise Messi? Van Dijk Laftiisa Oo Saadaaliyay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Ballon d’Or-ka

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool & Xulka Qaranka Holland ee Virgil Van Dijka ayaa saadaaliyay xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Doona Ballon d’Or 2019.

Virgil Van Dijk ayaa saadaaliyay in uu Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi mar kale ku garaaci doono abaalmarin kale kadib markii uu todobaaadkii hore ku garaacay xiddiga ugu fiican yurub.

Van Dijk Oo La Hadlaya wargayska Esporte Interativo ayaa yidhi” Haa Waa suurtagaln in aan Ronaldo iyo Messi ku garaaco abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka”.

“sababta ayaana ah in aan ka mid ah 3-da xiddig ee ugu fiican adduunka, laakiin waan eegi doonaa waxa dhaca sababta oo ah hadalkaygu waxba kama badalayo xaqiiqada maadama ay dad go,aamin doonaan”.

Van Dijk oo kooxdiisa Liverpool kula guulaystay champions League ayaa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ku garaacay abaalmarinta xiddiga ugu fiican yurub isaga oo noqday daafacii ugu horeeyay ee ku guulaysta abaalarinta.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here