Van De Beek oo si Caro leh Xanjo ugu tuuray Tabare Ole Gunnar Solskjaer

Muuqaal uu si weyn u careysan yahay Donny van de Beek oo fadhiya kursiga keydka intii ay socotay kulankii Manchester United vs Villarreal ayaa soo baxay.

Man United ayaa raadineysa goolka guusha iyadoo ay ciyaartu aheyd barbaro 1-1 ah markii tababare Ole Gunnar Solskjaer uu go’aansaday inuu bedel sameeyo.

Wuxuu soo geliyay Fred iyo Jesse Lingard kuwaasoo bedelay Alex Telles iyo Jadon Sancho, taasoo keentay in Donny van de Beek uu furka tuurto.

Van de Beek oo u muuqday inuu ka dhamaaday sabarkii ayaa carro darteed wuxuu dhanka tababare Ole Gunnar Solskjaer  ku tuuray xanjadii uu calaalinayay iyadoo uu Eric Bailly isku dayayay inuu dejiyo.

24 jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo Manchester United tan iyo markii uu ka soo wareegay Ajax xagaagii la soo dhaafay, waxayna u muuqataa in sabarkii uu ka soo dhamaaday.

Taageerayaasha indhaha gorgorka leh ayaa arkay falcelinta uu sameeyay Van de Beek iyagoo aaminsan in waayihiisa Old Trafford uu soo dhamaaday.

Lingard ayaase door ka qaatay goolkii guusha ee uu dhaliyay Cristiano Ronaldo waqtigii dhimashada ciyaarta iyadoo Man United ay 2-1 ku badisay islamarkaana heshay guushoodii ugu horeysay ee Group F.

Paco Alcacer ayaa goolasha furay sideed daqiiqo markii ay socotay ciyaarta qeybteedii labaad iyadoo De Gea oo badbaadin badan sameeyay qeybtii hore ugu danbeyn la dabamariyay kubada

Alex Telles ayaa barbareeyay saacad markii ay socotay ciyaarta ka hor inta uusan Ronaldo xaqiijin guusha

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com