Valverde & Abidal Oo Dembele Ku Qancinaya In Uu Ka Qayb Noqdo Hehsiiska Neymar

Ousmane Dembele ayaa noqday xiddig fure u ah heshiiska uu Neymar ugu soo laabanayo kooxda Barcelona laakiin xiddiga reer France ayaan doonayn in uu isaga tago kooxda ikasta oo ay Barcelona u baahantahay in ay amaah ugu dirto PSG.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde iyo Agaasimaha kooxda ee Eric Abidal ayaa xiddiga la hadlaya si ay ugu qanciyaan in uu kooxda uga tago heshiis amaah ah.

Tababaraha iyo agaasimaha ayaa isticmaalaya wadahadal dagan iyaga oo aan xiddiga wax hanjabaad ah u dirayn iyaga oo u sheegaya in ku biirista PSG aya tahay dookh isaga u fiican.

Tababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa sidoo kale la hadlay xiddiga Dembele si ay ugu qanciyaan in uu ku biiro kooxda ka dhisan caasimada France.

Dembele ayaa Barcelona kaga soo biiray Dortmund waxana uu ilaa haatan diidan yahay In uu isaga tago kooxda.

Wakiilka xiddiga ayaa sidoo kale sheegay in uuna xiddigu meelna uga socon kooxda Barcelona xagaagan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here