Valencia Oo Ku Guuleysatay Cope Del Rey , Barcelona Ayay Si Cajiib Ah Uga Qaadeen Xilli Guushana Ay Timid 11 Sano Ka Dib

0

Valencia ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Barcelona laba gool oo nadiif ah waxa ayna wada ciyaarayeen finalka Cope Del  Rey kaasi oo ka dhacayay magaalada Sevilla .

Barcelona ayaa guud ahaan maamulka kubadda cagta ku haysay xilli Sevilla daafac iyo kubadaha rogaal celiska ah ay ciyaarayeen .

Goolka koowaad ayaa Barca lagu helay daqiiqaddii 21-aad waxaana ka dhaliyay Kevin Gameiro xilli ka dib goolkaas Barca ay sida caadada u aheyd iyaga ayaa hayay maamulka kubadda balse meel ay marsiiyaan ayaa loo diiday .

Xilli Barca dagaal ugu jireen goolka bar bar dhaca ayna natiijo u badalaan kubadda ay ku badnaayeen maamulkeeda ayaa waxaa loogu daray gool labaad daqiiqaddii 33-aad waxaana ka dhaliyay Rodrigo kaasi oo baxsad ahaa qeybtaas hore .

Kulamaa Barcelona kubada u gasho cagta waxa ay Valencia xernayeen daafac adag oo ka kooban lix ciyaaryahan balse guud ahaan Barca waa ay mudnaayeen in ay heleen goolal .

Goolhayaha Valencia aad ayuu wacnaa waliba kubado halis ah ayuu ka bad baadinayay Messi xilli guud ahaan heerka kubad haysashada Barcelona ay aheyd %77 .

Soo laabashadii Barcelona wax aay horay u soo giliyeen Vidal iyo Malcom oo loo badalay Arthur iyo Semedo si ugu yaraan natiijada ciyaarta wax uga badlaan
Barceloan halis ayay ku bilaabeen ciyaarta gaar ahaan kubadaha Free Kick-yo ah oo uu laadayay Messi waxa ayna ciyaarta aheyd mid dar dar leh .

Barcelona qeybihii dhamaadka si waali ah ayay u weerareen Valencia balse nasiibka ayaa didanaa xilli Coutinho uu sameynayay dar dar wacan waxaana gool u diidanaa goolhayaha Valencia

Messi meel la qabto ma laheynwaxaana ka go`naa gool xili Valencia ku adkeyd in ay ka soo baxaan aagg gooshooda waxa uuna dhaliyay gool daqiiqaddii 73-aad

Guud ahaan ciyaarta hald hianc ayay aheyd oo Barcelona ayaa duullaan aheyd waxaana dadaalkaas waday Messi oo ay ka go`n eyd in uu shabaqa mar kale taabto balse waxaa loogu dhameeyay 2/1 oo ay guusha ku raacday kooxda Valencia kuna qaadeen Cope Del rey

Waxaa xusid mudan in marka laga yimaado guushaan caawa Valencia kama aysan badin Barcelona 6-dii kullan ee ugu dambeeysay ee Cope Del Rey ,markii ugu dambeeysay ee Valecia ka badiyaan Barcelona waxa ay aheyd 2008-dii waxa ayna lugtii koowaad semi finalka kobkaan xilli ay ku bdiyeen 3/2 waxaana la joogay Camp Nou

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here