UK oo Ogaatay Khatar amni oo ku soo wajahan Somalia ugana digtay muwaadiniinteeda

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin dhinaca amaanka ah oo ay u dirtay dadkeeda daneynaya in ay u safraan Soomaaliya.

Xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa sheegay in Soomaaliya ay wali qatartahay islamarkaana afduubka iyo qaraxyada ay suuragal ka tahay gudaha Soomaaliya.

Muwaaddiniinta UK ee aan muhiimka u ahayn safarka Soomaaliya ayaa la sheegay isaga baxaan Soomaaliya kuwa muhiimka u ahna waxaa loo oggolyahay kaliya in ay tagaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Dowladda UK.

Qoraalka ka soo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarro argagixiso iyo afduub ay kula kacaan Ajaanibta ay ka midka yihiin dadka Britishka ah.

Sidoo kale Dowladda UK ayaa muwaaddiniinteeda ku wargelisay in adeegyada Qunsuliyadaha ka raadsadaan Kenya iyo Itoobiya maaddaama Safaaradda UK ee Muqdisho aysan bixin adeegyada Qunsuliyadaha.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here