Uhuru Kenyatta oo ka hadlay weerarkii baska ee lagu laayey askarta badan

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Sabti ah sheegatay masuuliyadda weerar lagu dilay 11 qof oo ay ku jiraan dhowr askari oo ka tirsan booliska ee Kenya, kaasi oo gobolka Waqooyi-Bari ka dhacay.

Dowladda Kenya ayaa maanta faahfaahin ka bixisay qasaaraha weerarkan ka dhashay, waxaana dowladdu bilowday baaritaanka dhacdadan.

Xafiiska Madaxweynaha Kenya ayaa xaqiijiyay in saraakiil boolis ah oo gaaraya 8 askari ay kamid ahaayeen dadkii lagu dilay weerarkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyagoo sheegay iney ku dileen ilaa 10 ka tirsan waaxaha sirdoonka iyo shaqaalaha dowladda.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ay ku dhowdahay xadka Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo ay Al-Shabaab inta badan weeraro ka gaysato.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here