UEFA oo soo saartay 10 Koox ee ugu feecan Yurub, Kooxo Waaweyn oo Liiska ugu Hooseeya

Manchester United ayaa saddex meelood boos hoos u dhacday islamarkaana gashay kaalinta 10aad qiimeyntii ugu danbeysay ee ururka kubada cagta Yurub ee UEFA.

UEFA ayaa saleysa qiimeyntaan natiijooyinka ay kooxaha ka soo hooyeen tartamada Champions League, Europa League iyo tartanka cusub ee Europa Conference League shantii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Qiimayntan waxay go’aamisaa boosaska ay galayaan kooxaha marka la qabanayo isku aadka Champions League ama Europa League.

United ayaa laga reebay Champions League xilli ciyaareedkii hore iyagoo u dhacay tartanka Europa League.

Waxay gaareen finalka laakiin waxaa ka adkaatay Villarreal ka dib markii gool ku laad la isla tagay.

Dib u dhacyadaas ayaa keentay in Man United ay si weyn hoos uga dhacdo qiimeyntii sannadkii hore iyagoo markaas ku jiray kaalinta 7aad balse haatan waxay galeen kaalinta 10aad.

Red Devils kaliya ma ahan kooxda si weyn hoos uga dhacday qiimeynteedii sannadkii hore.

Bayern Munich oo sanadkii hore ee 2020 qaaday Champions League ayaa ku jirta kaalinta koowaad laakiin Real Madrid oo ku jirtay sannadkii hore kaalinta labaad waxay ka dhacday kaalinta lixaad.

Manchester City oo lagu garaacay finalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore ayaa soo gashay kaalinta labaad iyadoo Liverpool ay gashay kaalinta seddexaad, waxayna kooxda Jurgen Klopp sameysay sarre u kac aad u weyn, waxay 12 bilood ka hor ku jireen kaalinta 9aad.

Chelsea oo sannadkan 2021 qaaday Champions League waxa soo gashay kaalinta afaraad waxaa soo raacda Barcelona oo ku jirta kaalinta shanaad.

Paris Saint-Germain ayaa soo degtay booska 7aad halka Atletico Madrid ay hoos u dhacday saddex boos iyagoo galay kaalinta 9aad, waxaana u dhaxeysa iyaga iyo PSG kooxda Juventus.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com